Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Ciyaartoy garoon dhaxdiisa ku weerartay Garsoorihii Ciyaarta,

Published on May 2, 2018 by   ·   No Comments

Arin layaab leh ayaa ka dhacday horyaalka dalka Itoobiya kadib markii koox ka ciyaarta Horyaalka dalkaasi ay weerar ku qaadeen garsoore dhax dhaxaadinayay Ciyaar Horyaalka katirsan.

 

Kulan u dhaxeeyay kooxda Milatariga Itoobiya iyo Kooxda Jaamacada ee Welwalo Adigrat  ee Horyaalka dalka Itoobiya ayaa foodo kusoo dhamaatay kadib markii ciyaartoyda kooxda Jaamacada  weerar ku qaadeen garsooraha kulankan.

 

Garsooraha ciyaartan ayaa xili labada koox bar baro ahaayeen waxa uu gool muran dhaliyay u ansixiyay kooxda Milatariga, waxaana tilaabadaasi ka carooday ciyaartoyda kooxda kale kuwaa oo eryaday tababaraha gacantana ula tagay.

 

Ururka  kubadda cagta ee Itoobiya ayaa joojiyay  dhammaan cayaarihii socday, waxaa sidoo kale shaqada laga eryayay tababarihii kooxda Welwalo Adigrat ee weerartay garsoorahana .

 

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay Garsooraha ciyaartan oo la eryano iskuna difaacaya calan uu watay, waxaana tilaabadan ay ciyaartoyda ku dhaqaaday si weyn uga xumaaday taageerayaasha kubada cagta Itoobiya.

 

Horyaalka dalka Itoobiya waxaa horey uga dhacay qalalaaso badan , hasa ahaatee dhacdadan ugu dambeysay ayaa noqotay mid si weyn loogu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...