Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho Ayaa shegay in 15-ka May ay tahay maalintii Halganka iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed

Published on May 15, 2018 by   ·   No Comments

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 75-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay meel sare uga jiraan xil walba horumarinta dalkooda, gaar ahaan waqtigii xornimo-doonka iyo hadda oo dalka uu soo kabanayo. Isagoo xusay in maalintan ay xusuusineyso dhalinta Soomaaliyeed sida loogu baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si looga dhabeeyo riyadii geesiyaashii SYL.

“15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, caawana waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda oo ka hadlayay mustaqbalka dhalinyarada maanta ayaa xusay in weli ay fursaddu hortooda taal, maadaama ay dadka Soomaaliyeed ka yihiin %75 maamulkiisuna uu diyaar ula yahay wax walba oo lagu hagaajinayo mustaqlkooda dalkana lagu horumarinayo. Maamulka Gobolka ayaa hirgeliyey mashaariic shaqo abuur loogu sameeyey dhalinyarada, iyadoo maamulka loo daadejiyey degmooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirro, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa xalay 12:50-AM xiliga Muqdisho Ubax dhigay Taallada SYL, iyagoo ku dheeraadeen qiimaha uu maanta ugu fadhiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...