Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Gabadhii Ugu Yarayd Ee Reer Falastiin Oo Ay Askarta Yuhuudda Dileen.

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments

Layla Anwar Al-qanduur oo 8 bilood jir ahayd ayaa u geeriyootay suntii ay Askarta Yuhuudda ku tuurayeen Dibadbaxayaashii Reer Falastiin ee Isniintii la soo dhaafay dhigay Dibaxbax ay kaga horjeedaan Safaaradda Maraykanka ee laga furay magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Ilaa 60 qof ayaa isla maalintaasi laagu dilay Dibadbaxyadda looga soo horjeedo in Safaaradda Mraaykanka loo soo wareejiyo magaalladda Quddus.

Layla Anwar Al-qanduur waxay noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee Falastiini ah oo ku shahiida Dibadbaxyadda haatan ka socda Marinka Qasa, waxayna Falastiiniyiintu dibadbaxyo ku xusayaan 70-guuradii ka soo wareegtay Maalinta ay Yuhuudda xoogga ku qabsadeen dhulalka Falastiin sannadkii 1948-kii, iyadoo Kumanaan Falastiiniyiin ah laga soo barakiciyey Deegaanadooda xoogga lagu haysto.

Shabakadda Falastiin ee Wada-xaajoodka ayaa sheegtay in Layla iyo Qoyska  reer Qanduur yihiin dad ka soo jeeda Deegaanka Al-shaad ama loo yaqaano Xeradda Xeebta oo ku taalla Galbeedka magaalladadda Qasa.

Si kastaba ha ahaatee, Falastiiniyiinta ay Askarta Yuhuudda dileen waxaa ka mid ah ugu yaraan 8 qof oo da’doodu ka hooseyso 18-sanno jir.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...