{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

0
20

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa Ababa ee dalka Itoobiya,waxana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Safarka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ku wehliya Xubno uu ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada  iyo masuuliyiin kale kuwaas oo caawa ku hoyanaya Magalada Adis Aababa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Amb. Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay mudo laba cisho ah ku joogi doonaan dalka Itoobiya,isla markana uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

Waxa uu sheegay in ay labada masuul ka wada hadli doonaan iskaashigaWaxbarashada,Nabadgelyada iyoqodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here