Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Danjirihii hore Soomaaliya u joogay Q.M oo ku geeriyooday Newyork

Published on May 14, 2018 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Qaramadda Midoobay Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraynkanka.

“Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoona ku dedaali jiray in ay mar kale Soomaaliya dawladnimadeedii ku soo laabato.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax wuxuu ahaa Diplomacy iyo siyaasi u soo shaqeeyay dalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, isagoona ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliyeed oo noqday kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay. Sidoo kalena waxuu ahaa qofka kaliya ee ka soo jeeda qaaradda Africa kaas oo ku dhawaaday in loo doorto Xogayaha Guud ee Ururka, taas oo sharaf u ah magaca guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...