Dowlad kale oo safaaraddeeda Israel ka furatay Magaalada Quddus

0
28

Dowladda Guatemala,ayaa raacday Mareykanka waxaana ay safaaraddeedii Tel Aviv u wareejisay maagalada Quddus labo maalin kaddib markii uu Mareykanka sidaas sameeyay.

Guatemala,waxaa ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee 6dii December taageeray go’aanka uu Quddus ugu aqoosaday caasimadda Israel,waxaana ay ballan qaadday in ay Safaarad ka furaneyso.

Madaxweynaha Guatemala,Jimmy Morales iyo xaaskiisa ayaa ka qeybgalay furtaanka Safaaraddooda Israel ee Quddus taas oo ka dhigeysa dalkii 2aad ee caasimaddiisa Israel u wareejiyay Quddus.

Go’aanka Mareykanka gaar ahaan guuritaanka Safaaradda Mareykanka ee Quddus waxaa ay sababtay dhimashada 62 Qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo maalin kaliya ay dileen Ciidanka Israel.

Guatemala,waxaa ay ahayd dalkii 2aad ee Sanadkii 1948dii aqoonsaday Israel una aqoonsaday dowladda,madaxda dalkaas oo ka hadlayay go’aankooda Quddus ee maanta ayaa sheegay in wax cadaadis ah aysan kala kulmin Mareykanka si ay Quddus ugu aqoonsadaan caasimadda Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here