Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Ergeyda Falastiin iyo Israa’iil ee gollaha Ammaanka oo hadallo kulu isdhaafsaday

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments

Talaaddadii waxa ay Bariga Dhexe u aheyd maalin eedo kulul la isku dhaafsanayay xaaladda ka taagan Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Marinka Qaza qoysaska ayaa waxa ay aasanayeen tobonnaan qof oo ay Israa’iil toogasho ku dishay kaddib mudaharaadyo ka dhacay xadka.

Labo qof oo kale oo shacabka Falastiin ah ayaa dhintay Tallaadadii. Weriyaha BBC-da ee Qaza ayaa soo sheegaya in laga naxsan yahay tirada aadka u badan ee dhimashada Falastiiniyiinta.

Fadhi uu shalay yeeshay Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadallo kulul waxaa isku dhaafsaday ergeyda kala mataleysay Falastiin iyo Israa’iil.

Warqad uu ergeyga Falastiin u gudbiyay gollaha ammaanka waxa uu ku cambaareeyay

Waxa uu ugu yeeray xasuuq ba’an oo Israa’iil ay ka geysatay marinka Qaza.

Balse ergeyga Israa’iil ayaa sheegay in wixii ka dhacay xadka aysan ahayn oo keliya dibadbaxyo balse ay ahaayeen mudaharaad rabshado watay.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...