Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Gaas Oo Ka Dhoofaya Baydhabo Xilli Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Uu Ku Wajahan Magaladaas

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa Baydhabo shirna uga qeyb galayay ayaa maanta lafilayaa in uu dib ugu laabto Garoowe.

In kastoo aan weli lasoo gaba gabeyn shirkii Madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadana,waxaa lasoo sheegayaa in madaxweyne Gaas uu safar deg deg ah uu soo galay.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in xaalad ay kusoo korortay puntland kadib markii dagaal uu uga furmay deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo shalay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Soomaaliland  iyo Puntland.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lafilayaa in goordhow uu halkaasi gaaro si uu ula kulmo madaxda maamul goboleedyada ee Baydhabo ku shirsan.

Shirka madaxda dowlad goboleedyada ee Baydhabo ayaa walaac laga muujinayay,waxaana dadka qaar ay aaminsan yihiin in qodobada kasoo baxaa ay keeni karaan caqabad.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...