Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Gaas oo shegay in Dowladnimadda ay kusoo aruurtay Facebook”

Published on May 14, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyay Shirka maamul goboleedyadda ee ka socda Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay hareermarayso qodobo badan oo horay loogu heshiiyay.

 

 

Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay u baahan tahay in la sameeyo isbadel dhan walba ah,laakiin aan lagu Mashquul waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed.

 

 

Madaxweyne Gaas ayaa yiri” dowladnimadda  waxa ay kusoo aruurtay Facebook Maanta”

Waxaa uu si aad ah ugu dhaliilay Madaxda Soomaalida in ay waqti badan ku bixiyaan Baraha Bulshadda,taasina ay sii kordhin doonta Xumaanta sidda uu sheegay Gaas.

Gaas ayaa sheegay in la doonaayo in aan dib loogu laaban waxyaabihii laga soo gudbay, islamarkaana maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayso dowladda Soomaaliya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...