Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Qodobadda ugu Muhiimsan ee looga hadlaayo Shirka Dowlad Goboleedyada Dalka

Published on May 14, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa Maanta ka furmay Shir u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirkaasi ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Qodobadda ugu waa weyn ee Shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah amniga, sidii ururka Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay heystaan ,qeybsiga kheyraadka dalka iyo  sidii wax iyaga ay isku waafaqsanyihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka.

Furitaanka shirka ayaa madaxda waxaa kale oo ay xuseen in doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sannadka 2021-ka ay qeyb ka yihiin ajendaha shirka.

Xiriirka qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kadib markii ay isku khilaafeen go’aanka dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka qaar kamid ah dalalka carabta.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...