Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Wasiirka Waxbarashada “Imtixaanka Meel katirsan Muqdisho ayaa lagu daabacay, uuna yaalaa”.

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay u diyaar garowday Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017/2018-ka.

 

Tirada Ardayda sanadkaan u fadhiisaneysa Imtixiaanka waxa uu ku sheegay in ay gaarayaan 27,600 oo Arday (Todobo iyo Labaatan kun iyo lex boqol oo arday), iyagoona ku kala galaya Xarumaha Maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

 

In kabadan 100 Xarumood ayuu Wasiir Cabdiraxmaan Sheegay in arday Ku gali doonaan Imtixaanka sanadkaan, waxa uuna ka dalbaday arday in ay dhowraan Nidaamka Wasaaradda ay u dejisay.

 

Dhanka Waalidiinta waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Wasaaradda, isla markaana ay u fududeeyaan Ardayda Diyaarinta iyo ka qeyb galka Imtixaan Sanadeedka.

 

Dhanka kale waxa uu meesha ka saaray jiritaanka wararka sheegaya in Imtixaanka ay diyaariyeen uu ka baxay Gacantooda, Ardayda ay heleen Qish.

Waxa uu tilmaamay in meel kamid ah Muqdisho lagu daabacay, laguna hayo sidoo kalane laga soo qaadi doono kolka Imtixiianka loo fadhiisto Sabtida Todobaadka soo socda.

Ardaydii ay saameynta ku yeesheen Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Magaalada Baladweyne waxa uu tibaaxay in ay u fadhiisan doonaan Kolka ay dib ugu laabtaan Deegaanadooda.

Ka Wasaarad ahaan waxa uu Wasiir Cabdiraxmaan Daahir sheegay in ay leeyihiin Deeqaha Waxbarasho ee usoo gacan gala, si lamid ah Gobolada kale ee dalka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...