Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Xukumada Soomaliya Oo ka digtay in maqaayadaha la furo maalinkii iyada oo la sooman yahay

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments

Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan.

Wadamada Caalamul islaam ee uu hoggaaminaayo Sacuudiga ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan,  waxayna sheegeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Shacbaan, sidoo kale wadamadan ayaa waxa ay sheegeen in Khamiista ay tahay shaki la’aan maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayrow Xasan ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Waxaa mamnuuc ah in iyada oo Ramadaan tahay maqaayadfaha maalinkii la furo laguna kariyo cunto, waxaan maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka jira ka codsaneynaa in ay la xisaabtamaan dadka falalkaas geysta, way shaqeysan karaan maqaayadaha afurka ilaa saxuurta.” Ayuu yiri Xoghaye Kheyrow.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Khayrow Xasan Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...