Bani’aadamku wuxuu leeyahay 2-Sabab laakiin N’Golo Kante wuxuu leeyahay 15-Sambabo

0
44

N’Golo Kante ayaa wacdaro kala dhigay ciyaartii xalay uu xulka Fransiiska gool madiga ah uga adkaaday xulka Peru.

Gool uu qeybta hore u dhaliyay Kylian Mbappe ayaa ku filnaaday Faransiiska inay saddexda dhibcood ka helaan Peru taa oo ka dhigan inay iminka lix dhibcood ku hogaaminayaan Group C.

Ciyaartoyda xulka Faransiiska ayaa aad ula yaabay bandhiga Madaale Kante.

Pogba oo la yaabay shaqada joogtada uu xiddiga Chelsea ka hayo garoonka ayaa sheegay inuu leeyahay 15-Sabab halka sida caadiga ah ay dadku leeyihiin 2-sambab.

“Dhammaan aad iyo aad ayaan u fiicneyn.

“Markaad la ciyaareyso Kante way ka sii sahlan tahay howsha, meel kasta ayuu ku ordayaa, wuxuu leeyahay 15-sabab.

“Kubbada cagta aad ayay u sahlan tahay marka aad la ciyaareyso ciyaartoyda sidan oo kale ah.

“Waxay ahayd bandhig cajiib oo kooxeed. Tan muhiimka ahna waxay ahayd guusha.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here