Barcelona & Real Madrid Oo Isku Heysta Saxiixa Thiago Alcantara & Bayern Munich Oo Diyaar U Ah Iney Dhageysato Dalabyada Laga Soo Gudbinayo.

0
121
Thiago Alcantara FC Bayern München mit Trainer Coach Pep Josep Guardiola FC Bayern München Munich FC Bayern München - Hertrha BSC Berlin 1:0 1 Fussball Bundesliga Saison 2014 / 2015 (Photo by sampics/Corbis via Getty Images)

Labada kooxood ee ugu sarreeyay horyaalka La Liga (Barcelona iyo Real Madrid) ayaa ku dagaalami doona kubad sameeyaha Bayern Munich Thiago Alcantara kaas oo goor hore loo sheegay inuu raadsao kooxdii uu ku biiri lahaa.

Xiddigaan heerka caalami ee qaranka Spain ayaa quuldareynaya inuu dib ugu laabto La Liga oo uu kasoo tagay sanadkii 2013, balse labada kooxood ee doonaya waxaa loo sii sheegay iney kaliya ku heli karaan 60 Malyan oo Pound.

Thiago Alcantara wuxuu ku qarash gareeyay kooxdiisa shan fasal ciyaareed kadib markii uu adduun dhan 25 Malyan oo Euro kaga soo dhaqaaqay Barcelona, kana mid noqday xidigaha uu Pep Guardiola ku istaajiyay khadka dhexe kooxda ka dhisan Allianz Arena.

Barcelona ayaa u muuqata kooxda ugu cad-cad maadaama ay xoogga saari doonto iyadoo damacsan iney badal uga dhigto Andres Iniesta oo isaga tagay kooxda muddo badan kadib.

Dhanka kale Los Blacos ayaa dooneysa iney dhankeeda ku kaabto booska laga yaabo inuu baneeyo Mateo Kovacic oo saxaafadda la wadaagay inuu doonayo ka bixitaanka Santiago Bernabeu maadaama uusan fursad u heli karin inuu ciyaaro.

Tababaraha cusub ee Real Madrid Julen Lopetegui ayaana suureystay xilli hore inuu iska garab ciyaarsiiyo Luka Modric, Toni Kroos iyo Thiago Alcantara walow uu kooxda wali ku sugan yahay Casemiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here