Ciidamada Amniga Oo Howlgal Ku Qabtay In Ka Badan 100 Dhalinyaro Ah

0
82

Xalay ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay howlgallo la xiriira dhanka amniga ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee gobolkan Banaadir kadib weerar bambaano oo ka dhacay degmadaas.

Xarunta Maamulka degmada Waaberi ayaa xalay lagu weeraray bambaanooyinka Gacanta laga tuuro taas oo keentay in durbaba ay ciidamada dowladda sameeyaan howlgalkaas oo dadka deegaanka ay sheegayaan in lagu qabtay in ka badan 100 Dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka degmada Waaberi.

Ciidamada Nabad Suggida iyo kuwa Booliska ayaa wadajir hawlgalka u sameeyay,waxaana dhalinyaradii la qabtay lagu soo waramayaa in la geeyey saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley si baaritaano loogu sameeyo sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Horay ayaa degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa looga sameyn jiray howlgallada noocaan oo kale ah balse laga nastay waayadaan,waxaan xalay uu markale ka bilaawday degmada Waaberi kadib weerar bambaano oo ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here