{DAAWO SAWIRADA} Abaal marino la gudoonsiiyey tartamayaashii ku guuleeystay Tartan aqooneeydka idaacada Hiiraanweyn

0
212

Munaasabad Abaal marino logu gudoonsiinayo Tartamayashii Kaalmaha ka galay tartan aqooneedkii Bishii Ramadaan ayaa Maanta lagu qabtay Hotel Daarasalaam ee Magaalada Baledweyn Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada maamulka Heer Gobal iyo degmo.

C/naasir Muxumed Cabdi gudoomiyaha gudiga tartan aqooneedka bishii ramadaan ayaa goobta ka sheegay in tartanka oo Sanadkii 6aad ay martigalineysay Idaacada Hiraanweyn in sanadka ay ku tartameen 8 xaafadood oo Magaalada Baledweyne ka socta iyo 4 xaafadood oo degmada Buloburte ah iyadoo marxalad adag uu ku bilaawday tartanka Sanadkan.

“ sida aad la socotaan sanadkan waxaa magaalada Baledweyne ku dhuftay fatahaad aad u daran taas oo Qatar galisay habsami u socodka tartanka maadaamada xaafado ka mid ah magaalada dadku ay guryahooda ka barakaceen fatahaada aawgeed ”

Agaasimaha Warbaahinta Hiranweyn Maxamed Cismaan Makaraan oo ka hadlay xaflada Abaal marinta lagu gudoonsiinayay Xaafadii tartamayaasheedu ay guushu raacday ee Oktobar Buloburte ayaa sheegay in Shaqsiyan kan Maxamed ahaan uu diyaaar u yahay in hormarinta degaanka uu u hurayo Naf iyo maal laakin hadii aanu helin taageerada iyo garab istaaga bulshada Gobalka in aanu qof kaliya waxba qaban Karin.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan C/laahi Axmed Maalin ( Sufurow ) ayaa sheegay in hormar bulsho lagu gaari karo manta oo uu xilka hayo iyo maliinta uu ka tago in mar walba uu garab taagan yahay hormarka dhinaca waxbarashada Gobalka mar walbana uu diyaar u yahay in uu kaalin ka qaato

Tartanka sanadkan ayaa waxaa ka qeeyb galay 12 kooxod oo ka dhisan magaaloyinka buulo burde iyo Baladweyne waxaana sanadkan tartanka qaaday xaaafada octoobar halka gaalinta labaad ay galeen tartamayaasha xaafada buunda-weyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here