{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Danbeeyey Doorashadda Turkiga

0
117

Muwaadiniinta dalkaasi waxay maanta safaf dhaadheer ugu jiraan Xarumaha laga codeynayo, si aycodadkooda ugu taageeraan hadba Murashaxa ay taageersan yihiin.

39 million oo Muwaadiniin Turkish ayaana la sheegay inay diyaar u yihiin inay codkooda dhiibtaan, iyadoo 53,34 million oo qof ka codeyn doonaan gudaha Turkiga, halka 3.05 million oo kalena ka codeynayaan dalalka Caalamka

 

Waxa meesha ka bixi doona xilka Ra’isul-wasaaraha, ee uu Madaxweyne Erdogan  xilalkaasi ku soo caana-maalay.

Xilligan, Turkiga waxaa weli saaran Xukunka Degdegga ee lagu soo rogay markii uu fashilmay Afgembigii Dhicisoobay ee dhacay bishii July 15-dii ee  sannadkii 2015-kii

Madaxweyne Erdogan waxa Doorashadda maanta looga baahan yahay inuu helo 50% Codadka Doorashadda, haddii uusan helin tiradaasi waxaa uu Doorasho kale la geli doonaa Murashaxa kale ee ugu dhibcaha sarreeya.

Wareegga 2-aad ee Doorashadda Madaxtinimadda Turkiga waxaa lo ocodeyn doonaa bisha soo socota ee July 8-da.

Ra’yi-ururin laga qaaday dadka Turkiga muddadii u dhexeysay bishan 14-dii ilaa 20-dii waxay muujinaysaa inuu Madaxweyne Erdogan ka heli doono Doorashadda maanta codad dhan 51.6%.

Saddexda Murashax ee la saadaalinayo inay Madaxweyne Erdogan ku ciriiri karaan Doorashadda maanta waxay kala yihiin:-

Murashax Muxaram Inji oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga ee Republican People’s Party CHP uu heli doonaa codad dhan  28%,

Murashaxa Salaaxudiin Demirtus oo ka socda  Xisbiga Peoples’ Democratic Party (HDP)   waxa la saadaaliyey inuu heli dooo 10.3%

Murashax Meral Aksener oo ka tirsan Xisbiga  The Nationalist Movement Party (MHP) waxa la saadaaliyey inuu heli doono 8.5%

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Erdogan oo Aqlabiyad fiican ku dhex leh dadka Turkish-ka ayaa la rajeynayaa inuu mar kale ku guuleysto Xilkaasi, iysadoo laga tusaala qaadanayo Waxqabadkiisii oo horey loo soo tijaabiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here