{DAAWO SAWIRADA} Xafiiska Hay”Aada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Oo Laga Furay Dagmada Bullo burte

0
114

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maamulka hirshabelle ibraahin xuseen yuusuf iyo wafdi uu  iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada bullo burte ee Gobolka hiiraan,

 

Wafdiga Agaasimaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada bullo burte ku so dhaweyay Madaxa iyo maamulka waxgaradka iyo saraakii ka socdo ciidamada AMISOM ee Jabuuti bullo burte,

 

Agaasime sheelaro  iyo Wafdigiisa ayaa soo dhaweynta kadib waxaa loo soo galbiyay xarunta maamulka Dagmada bullo burte , halkaasi oo uu kula kulmay gudoomiyaha Dagmada bullo burte cabdi daahir guure karoore,

 

Madaxa Laanta socdaalka Hirshabelle Ibraahin xuseen yuusuf ayaa shegay in mudooyinkii danbe ay wadeen qorshaha xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Loga furaayo guud ahaan deegaanada maamulka hirshabelle

 

Gudoomiyaha Dagmada bullo burte cabdi daahir guure karoore ayaa so dhaweyay furitaanka xafiiska Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo manta laga furay bullo burte ee Gobolka hiiraan,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here