Djibril Sidibé oo xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulanka Denmark ee koobka aduunka 2018

0
30

Difaaca xulka qaranka Fance iyo kooxda Monaco Djibril Sidibe ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonaan xulka Denmark ee koobka aduunka 2018.

25 jirkan ayaa kaga maqnaa shaxda xulka qaranka France labadii kulan lasoo dhaafay sababa la xiriira dhaawac kasoo gaaray dhanka jilibka midig.

Laakiin Djibril Sidibe ayaa kahor kulanka xulka qaranka Denmark xaqiijiyay inuu diyaar u yahay 100%.

“Waa hubaal in kulanka xulka qaranka Denmark aan diyaar u ahay 100%, xaaladeyda caafimaad haatan aad ayay u fiican tahay”.

“Waan hubaa inaan diyaar u ahay kulanka ugu dambeeya ee wareega group-yada, waxaan ka dareemay dhaawac yar dhanka jilibka midig, laakiin waxaan sameeyay wax walba si aan kaga soo kabto isla markaana aan kaga qeyb galo koobka aduunka 2018”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here