FULL TIME: England 6-1 Panama. England advance to the round of 16

0
53

Lix gool oo ay kala dhaliyeen Harry Kane, John Stones Iyo Jesse Lingard ayaa England ka caawisay iney xasuuqaan Panama isla markaana xaqiijiyaan iney usoo baxeen wareegga 16-ka koobka Adduunka.

Gareth Southgate iyo wiilashiisa ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed kale oo awood ku dheehan iyagoo durba isku diyaarinaya kaliya kulanka Belgium-ka markaas oo ay ogaan doonaan booska ay kusoo bixi doonaan.

Panama ayaa isaga haray koobka Adduunka iyagoo horay u raaci doona Tunisia oo horay u xaqiijisay iney isaga hareen tartanka, waxeyna labadii kulan ee lasoo dhaafay xambaareen 9-gool.

Ingiriiska ayaa si awood leh ku bilowday kulanka iyagoo ka warqabay iney u baahan yahiin guul ay ka gaaraan si ay wareega 16-ka ugu soo gudbaan, waxeyna kusoo galeen shaxdii ay ku garaaceen Tunisia oo kaliya laga badalay hal xiddig.

FURSAD: Daqiiqadii 5-aad: Anibal Godoy ayaa fursadii ugu horreysay kulanka abuuray isagoo qalqal galiyay xulka England, balse uma suuragalin inuu ka miradhaliyo.

GOAL: Daqiiqadii 8-aad: John Stones ayaa bilaabay bandhigga goolasha kulanka kadib markii uu si qurux badan u madaxeeyay kubad uu koorna bidix kasoo qaaday Kieran Trippier, wuxuu ahaa mid aan la kulmin ciriiri.

FURSAD: Daqiiqadii 16-aad: Barcenas ayaa ka jawaabay goolka ay dhaliyeen England, si fiican ayaa kubad loo abuuray, balse nasiib xumo uma suuragalin inuu shabaqa ku aadiyo.

GOAL: Daqiiqadii 22-aad: Harry Kane ayaa gool u badalay rigoore loo dhigay Ingiriiska markii dhulka lagu riday Jesse Lingard, xiddiga Spurs ayaana si awood leh kubadda shabaqa u cuskiyay.

GOAL: Daqiiqadii 36-aad: Jesse Lingard ayaa shabaqa soo taabsiiyay gool caaqibadiisa leh, si fiican ayey iskula ciyaareen Raheem Sterling, si awood leh ayuuna baanaanka xerada ganaaxa uga toogtay.

GOAL: Daqiiqadii 40-aad: John Stones ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee kulanka kadib markii uu si fudud madaxa ula helay kubad si adag looga badbaadiya Raheem Sterling, goolhayaha oo dayacan ayuuna shabaqa ku riday.

GOAL: Daqiiqadii 45-aad: Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii labaad oo rigoore ah, England ayaana lagu abaalmariyay gool ku laad markii Stones si xun loogu dhagay isagoo sugaya koorne. hogaamiyaha qaranka ayaana si adag u dhameystiray.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 5-0, oo ay ku hogaaminayaan qaranka saddexda libaax, weyna u muuqdeen kuwa dhamaan burburiyay dhigooda.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay, Panama ayaana lasoo baxday qaab ciyaareed ku dhisan hanaan daganaasho ah, waxeyna muujiyeen iney isbadal la imaan karaan.

GOAL: Daqiiqadii 62-aad: Harry Kane ayaa dhameystiray sadexleydiisii ugu horreysay iyadoo tartankaan uu yahay kaliya kii labaad oo uu kasoo muuqdo heerkiisa qaran, Ruben Loftus-Cheeck ayaa kubad uu tuuray ay lugta dambe kaga dhacday.

GOAL: Daqiiqadii 78-aad: Felipe Baloy ayaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay oo ay Panama ka dhaliyeen koobka adduunka, jamaahiirta dalkiisa ayaana si aan caadi aheyn ugu farxay iyadoo tababaraha uu dhoola cadeeyay.

Labada kooxood midkoodna kuma guuleysan 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay iney gool dhaliso, waxeyna natiijada ku dhamaatay 6-1, waxeyna tani ka dhigan tahay in xulka England ay tiigsadeen 16-ka halka Panama ay isaga hareen tartanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here