HORDHAC: Brazil vs Costa Rica

0
67

Qaranka Brazil ayaa fooda dari doona dhigooda Costa Rica kulankooda labaad ee Group E Cayaaraha Koobka Adduunka.

Jalayaasha ayaa barbaro galay kalankii kowaad ay wajaheen Swirzerland, halka kooxda ka scocota waqooyinga Amercia  ee Costa Rica ay guuldaro kala kulan Serbia.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 03:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Björn Kuipers (Netherlands)

Garoonka: Krestovsky Stadium

Wararka Labada Koox

Daafaca dambe ee kooxda Manchester City Danilo ayaa seegi doonka kulanki xulkiisa Brazil ay la cayaari doonaan Costa Rica kadib markii uu ku dhaawacmay tababarka.

26-jirkaan waxaa badali doona daafaca midi gee kooxda Corinthians xiddiga lagu magacaabo Fagner.

Dhanka kale, Neymar ayaa la filayaa inuu safka kusoo bilaawdo inkastoo uu ka baxay tababarka xulka maalintii talaadada wuxuuna ahaa mid xanuun daremayay.

Weeraryahanka  Paris St-Germain,  kasoo ka jabay mid kamida la faha cagta midig bishii February, ayaa dareemayay xanuun dhanka anqawgaa balse markii dambe ayuu kamida noqday kooxda arbacadii.

Costa Rica ayaa ku dhiiran doona Switzerland oo dheel adag la cayaartay  kooxda uu leyliyo Tita, iyagoo hel dhibic kulankaa madaama uu barbaro ku idlaaday.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Brazil ayaa badisay sagaal kamida 10 kulan oo ay hore ula cayaartay Costa Rica, kaliya mar qura ay guuldareystee waana kulanka saaxiibtinimo oo dhacay bishii March 1960.

Kani waa kulankii seddaxaad oo ay labada xul ee Brazil  iyo Costa Rica ku dhexmara koobka adduunka , guushii u horeysay ayay Costa Rica gaartay cayaarihii 1990, ka hor intaan lagu xasuuqin 5-2 tartankii adduunka ee 2002.

Goolkii uu Philippe Coutinho ka dhaliyay Switzerland wuxuu ahaa kiisii 11-aad uu u dhaliyo  Brazil – shan kamida ayuuna ka dhaliyay banaanka diilinta ganaaxa.

Brazil  waa guul la’aan seddax cayaar oo koobka adduunka oo isku xigta mid barbaro ayay galeen 2 kulana waa laga adkaaday , waana markoodii ugu xumeed tan iyo 1978, mara oo ay guul la’aan ahaayeen afar kulan.

Costa Rica ayaa mar kaliya guul ka gaartay wamada koonfur America  waana 2014 markaan ay waxay 3-1 kaga adkaadeen Uruguay.

Costa Rica ayaa guuldraysatay kulankii kowaad oo ay wajaheen Serbia, taana waxa ay soo gabgabeysay shan cayaar oo ay guuldaro la’aan ahaayeen koobka adduunka – balse iyaguna ma guuldareysan laba kulan isku xigta tartankan tan iyo bishii June 2006, markaana waxay guuldareysteen afar dheel xariir ah.

Shax macquulka ee Brazil vs Costa Rica.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here