HORDHAC: England vs Panama- Saacada Ciyaarta & Xaqiiqada Labada Xul

0
65

Nizhny Novgorod ee dalka Russia Panama ayaa ku wajaheysa xulka qaranka kubadda cagta ee England kulan katirsan koobka adduunka,

Panama waxa ay u baahan yihiin inay horumariyaan ololahooda tartankaan taasoo ku xiran inay goolal ka dhaliyaan Ingiriiska.

England ayaa dhankiisa u baahan guul si uu usii xaqiijisto kusii jirista ciyaaraha Russia 2018.

Tababaraha England oo ka hadlay ciyaarta waxa uu sheegay inuu ixtiraam weyn u hayo xulka kasoo horjeeda, isagoo aad u amaanay awooda ay ugu sii baxeen tartankaan.

“Waxay sameyeen England dadaal badan bilihii lasoo dhaafay, iyagoo badiyay dhamaan kulamadii isreebreebka tartankaan.

Panama ayaa baaqi kusii ahaan doonta wareega group-yada Koobka adduunka Group G, haddii ay ku garaacaan xulka England Nizhny Novgorod.

Kulankan ayaa ah midkii sadexaad ee lagu ciyaaro garoonka Nizhny Novgorod Stadium koobka aduunka, iyadoo mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu hore goolal la isaga dhaliyay.

Sweden ayaa ku garaacday Korea Republic 1-0 ka hor inta aysan Croatia 3-0 kaga badin khamiistii lasoo dhaaafay xulka Argentina.

Markii ugu horeysay 12 sano kadib, England ayaa ku bilaabatay olalaha koobka aduunka saddex dhibcood, iyadoo ciyaarta galabta ay ku xiran tahay usoo bixistooda wareega 16ka.

Harry Kane oo qaab ciyaareed sarre kujira ayaa xulka tababare Gareth Southgate oo abuuray 17 fursadood kulankii Tunisia laba gool udhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, Panama oo qasaaro kala kulmay Belgum kulankii ugu horeeyay Group-kaan, waxay ku qasban yihiin inay isbedel sameeyaan.

Xulka tababare Hernan Gomez ayaa sugaya goolkoodii ugu horeeyay tartan caalamiga ah inay dhaliyaan marka ay wajahayaan galabta England.

XOGTA KULANKA?

Kulanka: England vs Panama

Garoonka: Nizhny Novgorod Stadium

Saacada: 3:00 PM( Galabnimo)

Tartanka: Koobka Adduunka

YAA SEEGAYA KULANKA?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Dele Alli ayaa seegi doona kulanka maanta xulkiisa ay la leeyihiin Panama sida uu xaqiijiyay tababare Gareth Southgate.

Ciyaaryahanka Tottenham oo 22 jir ah, ayaa dhaawac jilibka ah uu kasoo gaaray kulankii xulkiisa 2-1 kaga badiyeen Tunisia.

Caawiyaha tababaraha England Steve Holland ayaa u muuqda mid ku qasbaya tababaraha inuu bedelkiisa adeegsado Ruben Loftus-Cheek.

Alli ayaa bilaabay tababarka xulkiisa Sabtidii, laakiin laguma deg degi doono xaaladiisa caafimaad.

XAQIIQADA KULANKA

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee uu dhaco kulan u dhaxeeya England iyo Panama.

Panama waa wadanka 38aad ee qaranka England uu ku wajaho Koobka Adduunka tariikhda oo dhan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

England: Jordan Pickford; Kyle Walker, John Stones, Harry Maguire; Kieran Trippier, Ruben Loftus-Cheek, Jordan Henderson, Jesse Lingard, Ashley Young; Marcus Rashford, Harry Kane

Panama: Jaime Penedo; Roman Torres, Fidel Escobar, Michael Murillo, Eric Davis; Gabriel Gomez, Anibal Godoy, Armando Cooper, Edgar Barcenas, Jose Luis Rodriguez; Blas Perez.

W/D: Hassan Iniesta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here