HORDHAC: Nigeria vs Iceland

0
65

Xulka markii u horeysay cayaaraya koobka adduunka ayaa la kulmi doona kulankooda labaad Nigeria oo ay kawada mid yihiin Group D.

Labada xul waxay jaanis u heystan in midkood uu xajisto kaalinta labaad madaama Argentina guuldaro culus ay kala kulantay hogaamiyaasha Group-kan ee Croatia kuwaa oo u gudbay wareega 16 ee tartanka.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 06:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Matthew Conger (New Zealand)

Garoonka: Volgograd Arena

Wararka Labada Koox

Kabtanka labaad ee Nigeria Ogenyi Onazi ayaa laga yabaa inuu soo laabto cayaartan kadib markii laga tagay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Croatia.

Oghenekaro Etebo oo dhaliyay goolkii Kama’ ahaa ayey suuragal tahay in uu waayo booskiisa, halka Ahmed Musa sido kale ayaan la hubin inuu cayaaro.

Iceland waxaa laga yabaa inuu ka maqnaado Johann Berg Gudmundsson, kasoo dhaawac muruqa ah uu kasoo gaaray kulankii  Argentina.

Rurik Gislason ayaa ciyaartas lagu badalayay Gudmundsson, waana suuragal inuu buuxiyo safka kulanka ay wajahayaan Nigeria.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Marka kaliya oo ay hore u kulmeen labadan xulka, Iceland ayaa u adkaatay 3-0 kulan saaxiibtinimo oo dhacay 1981.

Dhamaan shan guul oo ay Nigeria ka gaartay koobka adduunka waxa ay ka adkaatay wadamo Europa.

Xulka lagu naaneyso Super Eagles ayaa badiyay hal kulan 13-kii dheel ee u dambeysay koobka adduunka 3 bararo, iyo 9 guuldaro, halka guul waxay ka gaareen qaranka Bosnia and Herzegovina sanadkii 2014.

Iceland barbarihii ay la gashay Argentina waa cayaartoodii u horeysay ee koobka adduunka. kooxdii u dambeysay ee aan guuldareysan labada kulan ee ugu horeeya koobka adduunka waxay ahaayeen Senegal sanadkii 2002.

Alfred Finnbogason ayaa dhaliyay gool seddaxdii dheel ee u dambeysay Iceland, inkastoo ay ku fashilmeen in ay guul garaan kulmadaas  waana 2 barbaro iyo kulan guuldaro ah.

Shaxda macquulkaa ee Nigeria vs Iceland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here