HORDHAC: Serbia vs Switzerland

0
77

Seriba oo aheyd kooxda kaliya ee guul gaaray xulalka ku jira Group E ayaa wajihi doonta Switzerland oo barbaro ku daah furatay tantanka.

Xulka uu hogaamiyo daafaca Roma  Aleksandar Kolarov ayaa hogaanka u heys Group-kan markii gool uu isaga dhaliyay ay kaga badiyeen Costa Rica cayaartoodii koowaad ee koobka adduunka.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 09:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Garoonka: Kaliningrad Stadium

Wararka Labada Koox

Laacibka qadka dhexe Switzerland Valon Behrami ayaa laga daaweyay dhibaato muruqaa balse weli waa mid la filayo inuu cayaaro.

Macalinka  xulka Vladimir Petkovic ayaa laga yabaa inuu kusoo shirtayo kooxdii uu ku wajahay Brazil oo ku idlaatay 1-1, waxaana weerar kaliya kaga sii dheeli doona Haris Seferovic.

Laacibka Serbia Luka Milivojevic ayaa laga yaabaa inuu diyaar noqdo inkastoo dhaawac yar uu kasoo gaaray kulankii ay guusha ka gaareen Costa Rica.

Hogaamiyaha qaranka Serbia coach Mladen Krstajic ayaa laga fileyna inuu sameyo isbadal weyn laakiin wuxuu bilaaw koowad siin doona caayariyahanka garabka ee Filip Kostic.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Switzerland marnaba hore uma wajihin Serbia.

Yeelkeede, Switzerland iyo Yugoslavia ayaa kulmay 13 jeer, xulka  Swiss ayaa adkaaday lix kamida kulamadaas 5 Barbaro iyo 2 guuldaro ah.

Yugoslavia ayaa badisay kulankii u dambeyay ee labada dhinac, iyagoo ku badiyay 2-1 kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Basel bishii September sanadkii  2001. Macalinka hadda leyliya Seriba ee Mladen Krstajic ayaa maalintaas dhaliyay goolka guusha.

Marka qura oo ay ku kulmeen koobka adduunka ayey aheyd 1950-kii cayaar heerka Group-kaa waxaana 3-0 ku badisay Yugoslavia.

Switzerland guushii u dambeysay oo ay ka garaan Yugoslavia waxay kaga badiyeen 2-0 kulan saaxiibtinimo oo dhacay bishii October 1983-dii.

Serbia oo loo aqoon jiray ( Yugoslavia) ayaa u gudubtay wareega bug baxda seddax kamida afartii  jeer ee u dambeysay marka ay badiyaan kulankooda daah furka koobka adduunka.

Guul ay gaarto Serbia ayaa ka dhignaan doonta inay garaan wareega 16 markii u horeysay tan iyo 1998-dii xiligaa oo ay kamid ahaayeen Yugoslavia.

Switzerland ayaa guuldaro la’aana todoba dheel oo xariir ah 4 waa ay badiyeen halka 3 kulanna ay barbaro galeen.

Sido kale waxa ay guuldaro la kulmeen hal cayaar 23 koodii kulan ee u dambeysay 16 guul ah iyo 6 barbaro, waxayna guuldaradas kasoo gaartay Portugal kulan ku dhamaday 2-0 oo ahaa cayaarihii loogu soo gudbayay koobka aduunka kaa oo dhacay sanadkii hore.

Kulankii ay wajaheen Brazil, xiddigooda Valon Behrami ayaa noqday laacibkii u horeyay ee Switzerland oo kasoo muuda afar koob adduun kadib  (2006, 2010, 2014 iyo 2018).

Shaxda macquulka Serbia vs Switzerland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here