Iska Illow Manchester United- Florentino Perez oo qorsho la yaab leh ka damacsan Bale!

0
21

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Floprentino Perez ayaa doonaya inuu Gareth Bale ku dabo laacibka khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen.

Bale ayaa si xoog leh loola xiriiriyay kooxda kubadda cagta ee Manchester United tan iyo markii uu ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo koox uu si joogto ah ugu ciyaari karo.

Balse Tottenham ayaa qudheeda hadda soo gashay doonista laacibkeedii hore iyadoo isha ku heysa inay dib ugu soo celiso White Hart Lane, halka Florentino Perez  uu il gaar ah ku eegayo kubbad sameeyaha reer Denmark ee Eriksen.

Laacibka Spurs ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Barcelona oo doneysa inay bedel kaga dhigto Andres Iniesta oo dhowaan ku biiray kooxda Vissel Kobe ee dalka Jaban, halka Naadiga ka dhisan wuqooyiga London macallinkooda Mauricio Pochettino uu jecelyahay in Rfainha uu kasoo qaato kooxda Barcelona.

Sidaas darteed Tottenham ayaa kala dooran doonta inay dib u hesho Gareth Bale oo 28-jir ah iyo Rafina oo 25-jir ah iyagoo labada dhinacba uga takhalluseysa kubbad qaabeeyaheeda Eriksen oo lagu qiimeeyo £123m.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here