Jabuuti oo marti galineysa Shirka Joogteynta Iskaashiga ee Qaarada Afrika iyo Shinaha

0
27

Waxaaa Dalka Jabuuti Bisha July 3-7 ee Sannadka  2018 ka Furmi doona Shir Balaaran oo ay wada yeelan doonaan Wadamada Afrika iyo Shiinaha, waxaana Shirkaas ka qayb gali doona Madax ka tirsan Dowladaha Afrika iyo Shiinaha.

Madashaan ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii Xoojin lahaa  ma loo joogteyn lahaa Xiriirka Iskaashi ee Wadamada Afrika iyo Shiinaha   gaar ahaan Dhinaca Dhaqaalaha  maadaama Dowlada Shiinaha waayadaan dambe aya galangal dhinaca Maaligelinta iyo Dhaqaalaha ay ku yeelaneysa Wadamada Afrika,

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb geli doon Ganacsato ka socda Dallka Afrika iyi Shiinaha , waxayna Labada Dhinac uga hadli doonaa sidii Dalka Shiinaha uu Maalgelin Balaaran ugu sameyn lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaarada Afrika

Sidoo kale waxaa Shirkaas lagu marti qaadey Shirkado waaweyn oo ka socdo Wadamada Yurub , Mareykanka,, Afrika, Carabta iyo Aasiya, si ay wax badan ugu ogaadaan  habka Shiinaha uu u Maalgelinyo Qaaradda Afrika  iyo Xiriirka sii Xoogeysanaya ee Afrika iyo Shiinaha

Ma aha markii ugu horeysey oo Kulan u dhexmaro Shiinaha iyo Afrika waxaana Sanadahaan dambe Dowladda Shiinaha hore u dhaqaajisey sidii Qaarada afrika ugu yeelan lahayd Saldhig Dhinaca dhaqaalaha waxayna  Dowladda Shiinaha ka hormareen Wadamada kale ka dib markii Bulshada Qaarada afrika ay aamineen  sida ShIinaha   ay uga go’an tahay Horumarka Qaarada Afrika

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here