“Julen Lopetegui wuxuu u qalmay inuu sii leeliyo xulka qaranka Spain”…Saúl Ñíguez

0
68

Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Spain iyo kooxda Atletico Madrid ayaa ka warbixiyay fikirkiisa kaga aadan casilaada Julen Lopetegui, macalinkii hore xulka La Roja.

Julen Lopetegui ayaa laga ceeriyay shaqada tababarka xulka qaranka Spain saacado kahor inta uusan bilaawan koobka aduunka 2018 haatan ka socda dalka Russia.

Xiriirka kubada cagta dalka Spain ayaa rismi ah u go’aansday in ay shaqada ka fasaxaan Julen Lopetegui kadib markii uu si hoose heshiis ula gaaray kooxda Real Madrid waxaana badalkiisa la magacaabay Fernando Hierro.

Hadaba xidiga kooxda Atletico Madrid Saúl Ñíguez ayaa arintan kala hadlay saxaafada xili uu kala qeyb galayo xulkiisa Spain koobka aduunka 2018.

“Ma aheyn waqtiga saxda ah, laba maalmood ka hor bilowga Koobka Aduunka 2018, Julen Lopetegui wuxuu u qalmaa inuu nala sii joogo”

“Ma jecleesan waxa ku dhacay Julen Lopetegui, wuxuu ahaa go’aan ixtiraam mudan, balse waxaan heesanay mashruuc aad u qurux badan la shaqeyntiisa, in badan waxaa run ah in joogitaankeena halkan aan kaga mahad celineyno Julen Lopetegui”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here