{DAAWO SAWIRADA} Ku dhawaad kun iyo Afar Boqol oo Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Magaalada Baladweyne

0
98

Kun iyo Afar boqol oo arday Dugsi Sare Ah ayaa manta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan  u fadhiisatay imtixaanka Shaadiga ee Dowlada soomliya ay qaadeyso Sanadkan waxaana imtixaanka daah furay wasiirka wasaarada Waxbarashada Dowlada Soomliya.

Imtixaankan ayaa horay uga baaqday ardada magaalada Baladweyne kadib fatahaadii ku dhufatay magaalada waxaana lagu balan sanaa in la qaado 19 bisha may ee aan kasoo gudubnay

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hirshabeelle maxamuud xasan iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabbdullaahi axmed Maalin ayaa sheegay in ay farxad u tahay ardada reer baladweyne manta madaama imtixaanka horay ugu baaqday ardada laguna dadaalay sidii ardadaasi ay u hele lahaayen imtixaanka.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowlada Soomliya  Cabdiraxaam daahir cismaan ayaa sheegay in Dowlada Soomliya ay la qeeyb saneeyso ardada dhibaatadii ay u geeysatay Fatahaada wabiga shabeellle waxaana uu tilmaamay in imtixaanka uu socon doono mudo 5 maalin ah.

19kii Bishii la soo dhaafay ee May ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxa ay qaaday imtixaanka mideysan ee dugsiyada Sare kaas oo si isku-mid ah looga qaaday Ardayda deegaanada maamulada,Puntland,Koonfur Galbeed,Jubbaland,Galmudug iyo deegaanada kale ee Hir-Shabeelle marka laga reebo Baladweyne.

SAWIR QAADE CABDI AXMED XUSEEN 

RADIO HIIRAANWEYN BALADWEYNE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here