Labo haween ah oo Xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

0
59

Wararka laga  helayo  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay laba ruux oo hal qoys ka wada dhashay.

Sida ay dadka degaanka usheegeen Hiranweyn Dilka ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha suuqa Magalada Gaalkacyo,waxana la sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureyn laba haween ah uu halkaasi marayay,isla markaana isla goobtii ay ku geeriyoodeen sida uu sheegay mid ka mid ah haweenkaas.

Masuuliyiinta maamulka Magalada gaalkacyo iyo saraakiisha Ciidamada isku-dhafka weli kama hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli bilihii u dambeeyey xaalada amni ee gaalkacyo ay ahyed mid wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here