Liverpool oo ku dhow inay kaga guuleysato Real Madrid saxiixa laaciban.

0
68

Goolhayaha kooxda AS Roma ee Alisson Becker ayaa si aad ah loola xiriiryay inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa xagaagan iyadoo ay ku dagaallamayaan naadiyada kala ah Real Madrid iyo Liverpool.

Xiddigga reer Brazil ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isagoo 17 jeer shabaqiisa difacday 37 kullan oo uu ciyaaray, waxaana Roma ay dooneysaa inay lacago fara badan ku hesho wiilkan haddii ay iibineyso.

Real Madrid oo macallin la’aan ah ayaa dareenkeeda inta badan siisay goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak, taasoo ka dhigan inay ka samri doonto Alisson.

Halka Liverpool ay marba madaxa meel la aadeyso si ay maaro ugu hesho dhibaatada goolhaye ee ay qabto, balse hadda waxa ay u muuqataa inay ku guuleysan karto dagaalka loogu jiro shabaq ilaaliyaha Giallorossi.

Reds ayaa diyaar la ah inay bixiso lacag dhan €65m si looga iibiyo 25-jirka heerka caalami, halka Los Blancos ay iyana dooneyso inay ku hesho €50m.

Qiimaha ay soo bandhigtay Liverpool isla markaasna ay ku dalbaneyso Alisson ayaa ka ag dhow lacagt ee Roma ay dul saartay madaxa xiddigga sare oo ah €70m.

Sidaas darteed kooxda Serie A-da ka ciyaarta ayaa aqbali karta dalab walba oo ka ag dhow halka ay iyadu calaameysatay, waxaana Los Blancos la saadaalinayaa inay isaga hari karto raacdada Alisson oo ay awooddeeda isugu geyn doonto goolhaye Jan Oblak.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here