Maxaa Laga Bartay Gooshii weyneed ee Xulka Belgium uu Ka Gaaray Tunisia

0
48

Xulka Belgium ayaa ku raaxeysay dhigooda Tunisia kulan cayaareed koodii laabad ee Group G ee tartanka koobka adduunka.

Xiddigaha Chelsea ee Eden Hazard oo laba gool dhaliyay iyo Michy Batshuayi oo gool ah si lamida weeraryahanka Manchester united Romalu Lukaku oo laba gool kulanka ka dhaliyay ayaa Belgium u sahashay in si fudud ku garaacdo Tunisia.

Cayaartan waxaa ka dhashay goolashii ugu badnaa ilaa iyo haatan laga dhaliyo koobka adduunka 2018. Markii labada xulka ay dhaliyeen todoba gool.

Hadaba maxaa laga diiwaan galiyay dheeshan.

Belgium ayaa markii u horeysay taariikhdooda shan gool ka dhalisay kulan koobka adduunka.

Belgium waa kooxdii u horeysay oo ay min laba gool u dhaliyaan laba cayaariyahan kulan koobka adduunka tan iyo Germany iyo Brazil 2014 oo ay Toni Kroos iyo Andre Schurrle min laba gool ay dhaliyeen cayaar ku dhamaatay 7-1.

Romelu Lukaku waa cayaariyahankii u horeyay ee laba gool dhaliyay laba kulan xariir ah koobka adduunka tan iyo Diego Maradona 1986 oo England & Belgium ka dhaliyay.

Romelu Lukaku ayaa dhaliyay afar gool koobka adduunka waana mid oo kaga badan yahay laacib kasta oo Belgium ah oo caayaray hal koob adduun.

Romelu Lukaku ayaa iminka dhaliyay goolal badan oo koobka adduunka iyo koobka qaramaya yurub ah waana 7 gool wadar ahaan taasoo uu kaga badan yahay cayaariyahan walba oo Belgium ah taariikhda.

Waa jirta 13 rigoore oo ilaa haatan laga dhigay koobka adduunka 2018 oo la cayaaray 28 kulan, waana  mid kal horaba ka badan rigoorayashii la dhigay koobkii adduunka ee 2014 oo guud ahaan la cayaaray 64 kulan.

Waa jirtay 109 sikin oo u dhaxeysay goolka labaad ee Belgium iyo goolka kowaad ee Tunisia uu dhaliyay laacibka Dylan Bronn.

Ma jiro cayaariyahan Belgium oo kaga goolal badan koobka adduunka iyo koobka qaramada yurub Romelu Lukaku oo dhaliyay 6 gool isagoo kala mid noqday Jan Ceulemans.

Eden Hazard ayaa si toosa ugu lug yeeshay 22 gool 21-kii kulan ee u dambeyay Belgium, 10 gool waa uu dhaliyay halka uu 12 kalana uu caawiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here