Messi oo loogu baaqay inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah

0
60

Taageerayaasha xulka Argentina ayaa isku bahaystay inay badbaadiyaan sharafta xiddigooda ugu fiican ee Lionel Messi.

Xulka Argentina ayaa qarka u saaran inuu ka haro koobka adduunka, xaalka ayaana ku sii xumaan doona haddii Iceland ay caawa garaacdo Nigeria.

Taageerayaasha kubadda cagta adduunka iyo kuwa Argentina ayaa si wada jir ah ugu baaqay Messi inuu ilaashado sumcadiisa isla markaana uu isaga fariisto ciyaaraha caalamiga ah.

2016 ayuu ka fariistay Messi xulkiisa markaas oo laga qaaday Copa America, laakiin waxaa lagu qanciyay inuu dib u soo laabto.

Haatan markale ayuu wajahayaa xaalad adag, sumcadiisa ayaana hoos u dhici doonta haddii xulku uu ku haro wareega guruubyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here