Mohamed Salah oo go’aan ka gaaray kooxda Real Madrid!

0
67

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si aad ah loola xiriiriyay kooxda Real Madrid.

Los Blancos ayaa si xoog leh u baacsanaysay laacibkan tan iyo markii uu muujiyay tayo dheeri ah kullamada horyaalka Premier League-ga oo uu kusoo biiray keliya xagaagii hore.

Barcelona ayaa sheekada dhexda kasoo gashay xilli Lionel Messi uu u tilmamay naadigiisa inay gacanta kusoo dhigaan laacibka masaarida kaaso ay uga maarmi karaan weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Mohamed Salah ayaa ka dhawaajiyay dhowaan inuusn cafin doonin difaaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos kaaso dibir xooggan la dhacay 25-jirkan.

Ramos ayaa dhaawac garabka u geystay Salah intii ay socotay qaybtii hore ee ciyaartii Final-ka Champions League-ga ee 26-kii May ka dhacday magaalada Kiev.

Salah ayaa ciyaarta laga saaray isagoo garabka bidix ka dhaawacan, taasoo xittaa shaki gelisay inuu taam u noqdo koobka adduunka inkastoo uu hadda u muuqdo mid kasoo muuqan kara kullanka ugu horreeya ee xulkiisu uu ciyaari doono.

Laacibkii hore ee Chelsea iyo Roma ayaa iska fogeeyay inuu ka mid noqdo kooxda Rea Madrid, isagoo horraan qiray inuu doonayo inuu Liverpool la gaaro guulo waaweyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here