Muxuu Halyayga Kooxda Chelsea Ee Didier Drogba Ka Yidhi Qaab Ciyaareedka Romelu Lukaku Uu Ka Sameenayo Koobka Aduunka 2018?.

0
45

Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa bandhig wanaagsan ka sameenaya sanadan koobka aduunka 2018 ee haatan ka soconaya dalka Russia, taasoo ka dhigtay inuu dhaliyo 4 gool labadii kulan uu kasoo muuqday xulka Belgium, isla markaana ka dhigtay in Cristiano Ronaldo uu kala sinaado tartanka gooldhalinta.

 

Dhanka kale, halyayga reer Ivory Coast iyo kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa ku amaanay saaxiibkiisii hore ee Chelsea Romelu Lukaku ka dib heerkiisa cajiibka ah uu ka sameeyay koobka aduunka 2018.

Hadaba Didier Drogba oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna yidhi: “Romelu Lukaku wuxuu u dhaliyay goolkiisii hore ee xulka Tunisia si qurux badan, wuxuu awood u lahaa inuu u xirfadeysto labada difaac si qurux badan, isla markaana uu abuurto boos uu kubada ka tuuri karo”.

Didier Drogba ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaa intaas sii dheer Lukaku wuxuu sameeyay waxaan aad u jeclahay, ee ah talaabooyinka gaaban ee uu qaatay ka hor inta uusan tuurin kubada, wuxuuna sameeyay sida waxa uu bixiyay sida xidigaha ciyaaraha teeniska oo kale, kahor inta uusan kubada shuudin wuxuu adeegsaday awoodiisa”.

Drogba ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Romelu Lukaku waa xidig xili kasta isku daya inuu sameeyo horumar, sidaasi darteed waxaan heleenaa inuu ku raaxeesanayo talooyinka badan ee ku saabsan isaga, waxaan u maleynayaa inaan arko ciyaaryahan sida Thierry Henry, wuxuu ku dhow yahay in uu ka sameeyo koobka aduunka bandhig cajiib ah ee aad u wanaagsan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here