Rikoorka Goolasha Harry Kane, Stones Oo Dhankiisa Diiwaanka Soo Galay & Rikooradii Laga Diiwaangaliyay Kulankii Ay England Xasuuqday Panama.

0
59

England ayaa guul muhiim ah gaartay, waana guushii ugu weyneed oo ay ebid ka helaan tartanka koobka Adduunka, waxeyna noqotay guul u hogaamisay iney gaaraan wareega 16-aad ee tartanka.

England ayaa gaaray guul ay ku qeexeen awoodooda tartanka kun cabsi galiyeen koox walba oo tartanka ku sugan halka Harry Kane isna uu durba la waregay gooldhalinta tartanka oo idil maadaama uu saddexley sabaqa ku shubay.

Xog aruuriyaa weyn ee Optajoe ayaa baahiyay rikooro badan oo laga diiwaangaliyay kulankii dhamaaday.

Saddexdii gool ee ugu horreysay England koobka Aduunka ka dhaliyaan waxey noqdeen kuwa ka yimid koornada, waana in ka badan 34-tii gool ee ka horreysay oo ay ka dhaliyaan tartanka.

John Stones ayaa noqday xiddigii labaad ee ka tirsan Manchester City kaas oo koobka Aduunka gool u dhaliyay England, waxaana ka horreeyay Trevor Francis oo shabaqa gaaray 1982.

Harry Kane ayaa noqday xiddigii saddexaad ee u dhashay England kaas oo 3-gool ama ka badan wareega group-yada koobka Aduunka ka dhaliya, Roger Hunt (1966) iyo Gary Lineker 1986 ayaa kaga horreeyay.

Rigooradii uu Harry Kane goolka u badalay ayaa noqotay midii ugu horreysay oo ay England ka dhaliyaan koobka Adduunka tan iyo 2002, markaas oo David Beckham uu rigoore ka dhaliyay Argentina.

Kane ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horreeyay ee min laba gool dhaliya labadiisa kulan ee ugu horreysa koobka Aduunka, tan iyo Grzegorz Lato oo sidaas sameeyay 1972, wuxuuna markaas hantay gooldhalinta tartanka.

Harry Kane ayaa noqday ciyaariyahankii saddexaad ee u dhashay England isla markaana saddexley ka dhaliya koobka Adduunka, waxaana kaga horreeyay Geoff Hurst oo 1966 ka dhaliyay Germany iyo Gary Lineker oo Poland ka dhaliyay 1986.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here