Romelu Lukaku oo soo barbareeyay rikoor taariikhi ah ee u yiilay halyayga Diego Maradona

0
42

Weeraryahanka xulka qaranka Belgiam Romelu Lukaku ayaa soo barbareeyay rikoor taariikhi ah ee u yiilay halyayga xulka qaranka Argantina Diego Maradona kulanka  haatan soo idlaaday ee Tunisia ee koobka aduunka 2018

Romelu Lukaku ayaa xulka Tunisia ka dhaliyay 2 gool daqiiqadihii 16-aad iyo 48-aad.

Sida laga soo xigtay shabakada Opta ee ku takhasustay rikoorada iyo tirakoobyada kubada cagta. Romelu Lukaku ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee min 2 gool ka dhaliyay laba kulan isku xigta uu ka ciyaaray koobka aduunka 2018, tan iyo Diego Maradona koobkii aduunka 1986-dii uu ka dhaliyay xulalka England iyo Belgium.

Dhinaca kale Romelu Lukaku ayaa hogaanka gooldhalinta koobka aduunka 2018 haatan ka soconaya dalka Russia kula biiray Cristiano Ronaldo waxayna leeyihiin min 4 gool labadii kulan ay kasoo ciyaareen heerka group-yada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here