Tababaraha xulka Tunisia oo iska Ooyay kadib markii ay saamaysay heesta Calanka +SAWIRRO

0
35

Tababaraha xulka qaranka Tunisia ee Nabil Maâloul ayaa iska Ooyay kadib markii ay saamayn ku yeelatay heesta calanka dalkiisa.

Waqtigii la tumayay heesta calanka ee dalkiisa Tunisia ayuu Ooyin camirtay tababare Nabil Maâloul kaas ay ka muuqatay jacaylka uu u qabo dalkiisa.

Laakiin Ooyintiisa murug ayaa ka danbaysay kadib markii loogu awood sheegtay 5-2, sidaas ayeeyna uga hareen koobka adduunka.

Xulka Belgium ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka ee koobka adduunka kadib markii uu gaaray guushiisii labaad ee wareega guruubyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here