Waqooyiga Kuurya Oo Sheegtay In Laga Qaadi Doono Cunaqabataynta.

0
47

Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya ee KCNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump oggolaaday arrintaasi, kadib, markii ay isaga iyo Kim Jong Un ku kulmeen dalka Singapore.

 

Wakaalladdu waxay xustay inuu Madaxweyne Donald hadalkaasi sheegay kadib markii uu ku dhawaaqay inay Maraykanka joojin doonaan dhoolatuska Milliteri ee ay sida wadajirka ula sameeyaan Milliteriga Koonfurta Kuurya.

Dowladda Maraykanka weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan in dalka Waqooyiga Kuurya laga qaadayo Cunaqabataynta.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Waqooyiga iyo Madaxweynaha Maraykanka waxa uu mid kasta kan kale ku casuumay inuu soo booqdo dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here