Aqri Qoraalkii Qiirada Lahaa Ee Uu Sergio Ramos Ku Sagootiyey Cristiano Ronaldo

0
172

Sergio Ramos waxa uu u diray Cristiano Ronaldo dhambaal farriin taageero muujin ah kaddib markii uu ku biiray Juventus.

Los Blancos waxa ay xaqiijisay talaadadii in dhaliyeheeda ugu sarreeya taariikhda uu soo gunaanaday gabagabeeyey waayihiisii Bernabeu ee sagaalka sano ahaa.

Laacibka reer Portugal oo hore ugu soo ciyaaray Spirting Lisbon iyo Manchester United ayaa ka tagay Real Madrid kaddib markii uu 450 gool u dhaliyey.

Tiradaas goolasha ah waxa uu Cristiano Ronaldo ugu dhaliyey 438  kulan oo uu safkooda ka soo muuqday.

“Cristiano, goolashadii, xogahaagii iyo wax walba ee aan ku guuleysannay iyaga ayaa isu hadlaya,” ayuu Ramos ku soo qoray Twitter-ka.

“Boos gaar ah ayaad ka gashay sooyaalka Real Madrid. Ka Madridistas ahaan, mar walba waan ku xasuusan doonnaa.

“Shara ayey ahayd ka garab ciyaariddaada. Hab iyo nasiib wacan!”

Cristiano Ronaldo 15 koob ayuu la qaaday muddo sagaal sano ah waxaana ka mid ah afar Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here