Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Iney Dhameystirtay Saxiixa Matteo Guendouzi & Faah-Faahinta Heshiiskiisa.

0
100

Arsenal ayaa xaqiijisay iney ku dhawaaqday saxiixa xiddiga reer France Matteo Guendouzi kaas oo fasal qurux badan kusoo qaatay kooxda Lorient, warbaahinta ayaana qoreysa inuu ku yimid 7 Malyan oo Pound garoonka Emirates Stadium.

19-jirkaan lugta midig ku xamaasha ee sida aan caadiga aheyn uga soo hilaacay horyaalka French League 1 ayaa noqday saxiixa 5-aad ee tababare Unai Emery, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli hal maalin ka hor lagu dhawaaqay saxiixa Lucas Torreira.

Matteo Guendouzi ayaa xiran doona lambarka 29-aad ee kooxda, waxaana sanadkii hore xirnaa xiddiga reer Switzerland Granit Xhaka, sida lagu qoray Mirror Football xiddigaan heerka caalami waxaa laga duubay muuqaal talaadadii waxaana kasoo muuqday madaxa diiwaangalinta kooxda Sven Mislintat iyo shaqsiga kooxda u qaabilsan wadahadalada Huss Fahmy.

“Waa arrin aan si weyn ugu faraxsanahay, Arsenal mar walba waxey aheyd koox u dhaw qalbigeyga, waana koox aan doonayay inaan ku biiro tan iyo caruurnimadeyda, tani waxey i siineysaa sharaf weyn” ayuu yiri Matteo Guendouzi.

“Waxaan rajeynaa inaan wax weyn ku sameyn karo halkaan, ma jiraan wax ka fiican inaan imaado koox sidaan oo kale ah, leh taariikh weyn – sida Arsenal, aad ayaan ugu faraxsanahay”

“Waan ku faraxsanahay inuu Matteo nagu soo biiro. Waa ciyaariyahan aad u da’yar oo ay kooxo badan xiiso u qabeen” ayuu yiri Unai Emery.

“Waa ciyaariyahan awood leh sidoo kalana si dhameystiran khibrad u helay kooxda koowaad fasalkii lasoo dhaafay, wuxuu doonayaa inuu wax badan barto sidoo kalana uu hormar sameeyo, qeyb muhiim ah ayuuna ku yeelan doonaa kooxdeena heerka sare”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here