{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo si Faah Faahsan uga Hadlay isbadalada Itoopiya,Cafisna Dalbaday

0
68

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hoggaanka Jabhadda ONLF ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan baaqa Ra’isal wasaare Abiy Axmed uu u soo jeediyey jabhadaha iyo xisbiyada mucaaradka ee ah inay nabad qaataan.

 

Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Maxamuud Cumar in khaladaadka horay u dhacay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan xukumadda deegaanka iyo xisbiga talada haya, wuxuuna madaxweynahu cafis ka dalbaday shacabka deegaanka.

 

Jabhadda ONLF oo uu dhawaan golaha baarlamaanka dalka Itoobiya ka saaray liiska ururrada argagixisada, ayuu weydiistay in fursadda la siiyey iyaga oo ka faa’ideysanaya ay si nabadgalyo ah siyaasaddooda u wataan.

 

“Dhammaan maxaabiistii u xirneyd deegaanka ee jabhadda ONLF waa la sii wada daayey, wakhti xaadirkan hal qof oo jabhadda ONLF darteed u xiran ma jiro” ayuu sii raaciyey.

 

Hadalka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku soo beegmaya ayadoo Isbeddello siyaasadeed ay ka socdaan dalka Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA OO DHAMEYSTIRAN,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here