{DAAWO SAWIRADA} Dibadbax looga soo horjeedo booqashada Trump ee Britain oo ka dhacay London

0
134
CARDIFF, UNITED KINGDOM - JULY 12: A 'dump trump' sign is seen as protestors gather outside Cardiff Library on the Hayes in Cardiff to protest against a visit by the President of the United States Donald Trump on July 12, 2018 in Cardiff, United Kingdom. The President of the United States and First Lady, Melania Trump, have arrived in the United Kingdom for their first official visit. They are due to have dinner at Blenheim Palace, visit Prime Minister Theresa May at Chequers and have tea with the Queen at Windsor Castle. (Photo by Matthew Horwood/Getty Images)

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horeesay tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa booqashadii ugu horeesay uu ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Booqashada Trump ee Britain oo qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxaa uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth.

Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweyne Trump ayaa ka dhacaya magaalada London, gaar ahaan safaaradda Mareykanka ee dalkaasi, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka wadooyinka magaalada London.

Mar madaxweyne Trump wax laga weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah ayaa waxa uu sheegay in uusan wax dhib ah ku qabin arrintaasi, oo dadka Britishku ay jecelyihiin isaga.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan oo ay horay hadalo xanaf leh isu weydaarsdaeen madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay dadka dibadbaxa dhigaya inay ilaaliyaan nabadgelyada,waxaana uu intaa ku daray in dadkani aysan necbeyn shacabka Mareykanka.

 

Xigasho metro.co.uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here