{DAAWO SAWIRADA} Mamulka jubbaland oo Abaalmarin Gudoon sii nin ka tirsan Al-Shabaab

0
181

Taliska Hay’adda Nabadsugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay kusoo bandhigeyn Nin ay sheegeen in uu isku-soo dhiibay,isla markaana ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkaas ayaa waxaa lagu Magacaabaa Aadan Uudow Cabdi,waxana xilliga uu isasa-soo dhiibayey uu watay Qori AK47 ah iyo booshkiisa,sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Nabadsugida Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Jubbaland Axmed Muuse Xersi ayaa waxa uu sheegay in Aadan Uudow Cabdi,uu watey qori AK47 ah,isla markaana ay ku abaal mariyeen lacag maadaama qirigii uu ku Shaqeynayey uu lasoo galay Jubbaland.

Sikastaba Warkaan ka soo bay Jubbaland weli kama hadlin Al-Shabaab,waxana jubbland ay horay u soo bandhigtay Saraakiil iyo ciidamada ay sheegen in ay ka soo goosteen Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here