DEG-DEG: Antonio Conte Oo La Rumeysan In Laga Ceyriyay Chelsea Sidey Baahiyeen Warbaahinta Talyaaniga.

0
208

Tababare Antonio Conte iyo shaqaalahiisa tababarka ayaa lagu soo warramayaa in laga ceyriyay Chelsea, taasoo u gogol xaareysa inuu soo gaaro galbeedka London Maurizio Sarri oo loo badinayo inuu noqdo badalkiisa.

Macalinkii hore qaranka Talyaaniga ayaa tan iyo bilowgii sanadkaan ahaa qofka koowaad ee aadka looga hadal hayo Ingiriiska, balse haatan waxaa lasoo warinayaa in kooxda laga dirayo, walow aysan wali xal u helin kooxda lacagaha magdhawga ah ee Maurizio Sarri.

Maadaama aysan kooxda wali soo afjarin sheekada Sarri, wuxuu ku qasbanaaday Antonio Conte inuu tababarka kooxda la bilaabo ka hor inta aan la ogeysiina dhamaadka shaqadii maanta inuusan kooxda kusoo laaban.

Sky Italia ayaa shaaca ka qaaday in tababarahii hore Juventus iyo shaqaalahiisa lagu wargaliyay inuu soo dhamaaday waqtigoodii Blues, walow aysan jirin Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay kooxda ka dhisan galbeedka London.

Sheekadaan waxey socotaa hadal uu qareenka kooxda Napoli sheegay maanta galinkii hore, xilli wax laga weydiiyay xaaladda ay mareyso arrinta Sarri, wuxuuna saxaafadda la wadaagay in wax walba ay dhaw yahiin balse maanta ama berito la dhameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here