{DHAGEYSO+SAWIRO} Duqa Muqdisho oo sheegay in la Maxkamadeynayo shaqaalaha dowlada hoose qaarkood

0
88

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahne Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in uu bilaawday qorsho lagula xisaabtamayo Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in Agaasime kasta iyo dhammaan laamaha kala duwan ee maamulka gobolka,xilligaan wixii ka dambeeya lala xisaabtami doono si meesha looga saaro in uu jiro qof isaga oo aan Shaqeyn mushaar iska qaata.

“Nimaamkan aan bilaawnay waa mid aan ku dooneyno in aan kula xisaabtano agaasime kasta waaxdiisa sida ay u shaqeyso,mana ogolaan doono in uu jiro Shaqaale mushaar iska qaata waligiisna aan Shaqeyn,cidii lagu arkaana loo gudbin doono Hay’adaha Garsoorka talaabana laga qaadi doono ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Hadalka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa daba socda,ka dib markii dhawaan uu sameeyey isbedelo badan oo dhanka degmooyinka ah,waxana xilka qaadis lagu sameeyey Guddoomiye Waaxeedyo,iyo mas’uuliyiin kale oo xilka haayey maamulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here