Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo Loogu Baaqay in ay Ka Dhabeeyaan Heshiiskii ay Gaareen

0
78

Madaxweynaha koonfurta kuuriya Moon Jae-in ayaa ugu baaqay madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Mr Kim Jong-un in ay si adag kaga shaqeyaan wada heshiiskii ay gaareen si looga mira dhaliyo wada xaajoodka Niyuukler ka ee labada Dhinac.

Mr Moon ayaa waxaa uu sheegay in hadii ay ka dhabeyn waayaan balan qaadkoodi ay xukun adag kala kulmi doonaan wadamada beesha caalamka.

Waxaa uu sheegay in uu aamin san yahay in labada dhinac ay fulin doonan wixii ay balan qaadeen xitaa hadii ay la kulmaan xaalado adag inta uu socdo wada xaajoodka labada dhinac sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee kuuriyada koonfureed ee Yonhap news.

Madaxweynaha mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong-Un ayaa bishii la soo dhaafay ku kulmay dalka Singapore waxaana ay ku heshiiyeen in La sii wado wada xaajoodka ku aadan Hubka Niyuukleerka ee kuuriyada waqooyi oo dhaliyay qilaafka u dhaxeyay labada dhinac.

Baaqaan Ka soo yeeray Madaxweynaha kuuriyada Koonfureed Mr Moon Jae-in ayaa imaanaya iyadoo wadamada caalamka ay soo dhaweyeen heshiiskii ay gaareen labada dhinac.

Dowlada Mareykanka ayaa horay waxaa ay ugu eedeysay kuuriyada waqooyi in ay caqabad ku tahay amniga wadamada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here