Idacaada Hiiranwayn Waxeey Soo Tabin Doontaa KulanKa Caawa : Croatia Vs. England – Yaa Aadi Doono France

0
112

Waxaa caawa la dheeli doonaa kulankii ugu dambeeyey ee afar dhammaadka marka ay is waajahaan England iyo Croatia.

Labada dalba waxaa ka go’an in ay u soo baxaan fiinaalaha kooobka aduunka oo ay ku sugeyso France.

France waxa ay 1-0 uga soo baxday Belgium habeenkii talaadada.

Croatia

– Andrej Kramarić ayaa si lama filaan ah ugu soo bilowday kulankii ugu dambeeyey balse Marcelo Brozović     ayaa ku soo noqon

doona booskiisa

– Dejan Lovren iyo  Danijel Subasic labadaba wey ka maqnaayeen tababarka bilowgii toddobaadkan laakiin in ay taam ahaadaan ayaa la filayaa

– Sime Vrsaljko, waa maqnaan doonaa

– Vedran Corluka ayaa ku soo bilaaban doona

England

– Kyle Walker, Dele Alli and Ashely Young waxa ay ka soo kabteen dhaawacyo fudud oo soo gaaray kulankii Sweden

Jamie Vardy shaki ayaa ku jira

Eric Dier ama  Fabian Delph midkood ayaa ku soo bilaaban doona si uu u caawiyo Jordan Hendeson laakiin Southgate kuma qasbana in uu is bedel sameeyo

Jordan Henderson dhaawac cajirka/bawdada ah ayuu qabaa lakiin in uu ku soo bilowdo u badi

Raadraac

-England lagama badin15 ka mida 16dii kulan ee ugu dambeeyey koobka aduunka

-Croatia lagama badin 9kii kulan ee ugu dambeeey koobka aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here