Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta ka furmaya Jowhar

0
127

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar uu ka furmo Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay xirnaa, iyadoo Xildhibaanada ku jireen fasax dheer.

Madaxda Hirshabeelle iyo Xildhibaanada oo ka maqnaa Jowhar ayaa shalay dib ugu laabtay, waxaana saacadaha soo socda la filayaa in si rasmi ah u furmo kalfadhiga.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in ajandayaal dhowr ah uu hor-yaallo, isla markaana qorshahooda yahay inay la xisaabtamaan Madaxda iyo Wasiirada Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa horay dhaliilo ugu jeediyay Madaxda Hirshabeelle in aanay wax ka qaban xaalada amniga, iyadoo wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ay noqotay mid ammaankeeda faraha ka baxay.

Wadada ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro dhaba gal ah oo Al-Shabaab ka geysanayeen, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay bishii ramadaan, kaasoo lagu dilay labo Xildhibaan iyo Askar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here