Madaxweynaha Maraykanka oo weeraray qorshaha difaaca ee Jarmalka

0
80

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay walwalka uu ka qabo in Jarmalka uu gaaska nabiiciga ka iibsado Ruushka, taas oo uu ku sheegay in ay tahay halis amni, wuxuuna ka hadlayay shirka NATO.

Isaga oo magaalada Brussels kula kulansanaa xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayuu Trump yiri “Waa arrin aad ugu xun NATO, Jarmalka waxaa maamula Ruushka”.

Waxa uu Trump sheegay in boqolkiiba 70% gaaska uu Jarmalka soo iibsado uu uga yimaado Ruushka, balse waxaa jirta in xogtii ugu dambeysay ay muujinayso in tiradaasi tahay boqolkiiba 50.75%.

Dhanka kale waxa uu dalalka reer Yurub ku eedeeyay in aysan NATO ku bixinin qarashkii loo baahnaa, kaliyana Maraykanka dhabarka loo surey qarashka intiisii badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here