Qaramada Midoobay oo Cuno Qabateyn Hubka ah Saartay Koonfurta Sudan

0
148

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cunaqabateyn dhanka hubka ah ku soo rogay wadanka suudaanta koonfureed oo shantii sano ee la soo dhaafay uu ka taagnaa dagaal sokeeye oo u dhaxeeya mucaaradka iyo dowlada.

Qaraarkaan oo Golaha horgeeyay Mareykanka ayaa Sagaal xubnood waxaa ay Taagereen Cuna Qabateynta Halka Lix xubnood na ay ka aamuseen.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Halay ayaa sheegtay in uu muhiim ahaa meel marinta Qaraar kan waxaana ay intaa ku dartay in golaha waajib ay ku tahay in ay joojiyaan hubka galaya dalkaasi oo loo adeegsado dagaalada iyo Argagax Galinta Dadka Rayidka ah.

Wadamada Ivory Coast, France, Kuwait, Netherlands, Peru, Poland, Sweden, United Kingdom, United States ayaa u codeeyay,Haa.

Halka Dalalka Bolivia, China, Equatorial Guinea, Ethiopia, Kazakhstan, Russia ay ka aamuseen.

Safiirka Qaramada midoobay u fadhiya suudaan mr Akuei Bona Malwal ayaa sheegay in qaraarka uu ku wanaagsanaa in cuna qabateyn saaro kuwa caqabada ku ah nabad iyo xasiloonida.

Wakiilka u fadhiya shiinaha Qaramada Midoobay Mr Ma Zhaoxu, ayaa dhankiisa sheegay in goluhu looga baahnaa in ay dhageystaan hogaamiye yaasha dalalka Afrika.

Sanadii 2016 kiiĀ  bishii December ayaa Golaha la Horgeeyay Qaraar lagu dalbanayay in Cuno Qabateyn dhanka Hubka ah la saaro dalka ugu yar caalamka balse waxaa lagu guul dareystay in la meel mariyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here